Turjumaano
Haddii aadan Ingiriiska si fiican u fahmi karin, aad ayey muhiim u tahay inaad u sheegtid Garsooraha inaan Ingiriiskaagu fiicneyn oo aad u baahan tahay turjumaan. Haddii kiiskaagu yahay fal dembiyeed ama arin ah qalalaaso qoys, Maxkamada ayaa kuu qabaneysa oo kaa bixineysa turjumaanka. Taasina ma dhici doonto maalintaas. Waa inaad soo noqotaa maalin kale si taas loo balamiyo.
Haddii kiiskaagu uu yahay arin madani ah (wixii aan ahayn arin qalalaaso qoys), waxaad u baahan doontaa inaad balansato oo aad iska bixisid turjumaanka adigu.
Markaad hesho turjumaan, aad bay muhiim u tahay inaad fahamtid inay halkaas u joogaan oo kaliya turjumida luuqada; may aha la taliyahaaga sharciyeed. Sidoo kale waa muhiim inaad fahamtid in turjumaanadu ay yihiin kuwo madax bannaan oo waajib ka saaran yahay Maxkamada inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah ( taasi waa inaysan dhinac la jirsan, oo ay noqdaan kuwo madax bannaan oo ay shaqadooda u qabtaan turjumaan ahaan uun). Turjumaanada waxaa laga yaabaa inay joogaan qolka maxkamada, ama waxaa laga yaabaa inay taleefanka ku jiraan.