Skip to main content

Nidaamka Maxkamada

Maxkamadu waa goob habraac rasmi ah leh. Dadka waxaa ka filayaa inay u dhaqmaan si tuseysa xushmad Maxkamada iyo nidaamka cadaalada.

Maxkamada Heerka Koowaad

Mar alaale markii garsooruhu uu soo galo qolka maxkamada, waa inaad istaagtaa oo aad madaxaaga hoos u dhigtaa. Mar alaale markii aad soo gasho ama aad ka baxaysid qolka maxkamada, waa inaad u rukuucdaa Sumadda Maxkamada dawlada Queensland. Waa inaad ula hadashaa Garsooraha adoo leh “Xurmadle” oo aad istaagtaa mar kasta oo uu Garsooruhu kula hadlayo.

Habka Anshaxa qolka Maxkamada

Waxaa la filayaa in kuwa ku jira qolka maxkamada ay noqdaan kuwo aamusan oo xushmad badan. Waa in aadan hadlin ilaa uu garsooruhu kuu yeedho mooyee. Waa in aadan wax ku cunnin, sigaar ku cabin ama xanjo ku cunnin.

Markaad ku jirtid qolka maxkamada, hubi inaad demisay taleefankaaga ama aad aamusisay. Waa inaadan sawiro qaadin ama duubin dacwada socota.