Skip to main content

Adeegyada Taageerada

Waxaa intaas weheliya turjumaanada iyo caawimaada sharci, inaad sidoo kale ka heli kartid caawimaad adeegyada kale ee taageerada. Tani waxay ku xirnaan doontaa xaalada kiiska maxkamadaada iyo sidoo kale xaaladaada shakhsiyeed.

Maxkamadu waxay bixisaa tiro adeegyo ah oo kaa caawin kara la macaamilka nidaamka maxkamada. Liiska adeegyadan waxaa laga heli karaa https://www.courts.qld.gov.au/services.

Waxaa sidoo kale jira noocyo badan oo kala duwan oo ah adeegyada taageerada bulshada iyo dawlada. Adeegyadaan badidoodu waa bilaash

Haddii aad ku lug leedahay xiriirka qalalaasaha qoyska waxaa jira adeegyo taageeroo badan oo la helayo ayna ku jiraan helida caawimaada aad Maxkamada ku tegaysid, oo kuu gudbineysa hoyga dadka dhiban iyo helida caawimaad lacageed. Waxaa sidoo kale jira taageero haddii aad caawimaad uga baahan tahay sidii loo joojin lahaa dabeecadaas dagaalka leh. Liiska buuxa ee adeegyada taageerada waxaa laga heli karaa https://www.courts.qld.gov.au/going-to-court/domestic-violence/support-services#.