Skip to main content

Qareenada

Haddii aad heysatid qareen, ayagaa Maxkamada kuu hadlaya. Haddii aadan heysan qareen, oo aad jeclaan lahayd inaad qareen hesho, waa inaad u sheegtaa garsooraha taas. Badanaa, arimaha qalalaasaha qoyska iyo dembiga waxaa jira qof jooga qolka maxkamada bannaankiisa oo loogu yeero ‘qareenka heeganka leh’ oo metela hay’ad la dhaho Legal Aid Queensland.  Waad u tegi kartaa iyaga, kaysaska qaarkood, way ku metelayaan maalintaas, iyadoo ku xiran waxa kiiskaagu ku saabsan yahay. Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan inaad fahamtid waxa ka dhici doona Maxkamada maalintaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaad xaq u leedahay inaad adigu ismetesho oo aad nafsadaada u hadashid Maxkamada dhexdeeda. Haddii taasi tahay waxaad adigu rabtid inaad sameysid, ka dib waa inaad u sheegtid Garsooraha taas. Haddii heerarka qaarkood aad fekerkaaga bedeshid, weli waxaad u isticmaali kartaa qareen heer kasta oo ay dacwadu mareyso.