Macluumaad ku saabsan Maxkamada Magistrate ka
Maxkamada Magistrate waa Maxkamada heerka koowaad ee Queensland. Waxaa jira Maxkamadaha Heerka Koowaad qiyaastii 130 goobood oo kala duwan ee Gobolka. Kiisaska madaniga iyo dembiga waxay si uun uga bilowdaan Maxkamada.
Kiisaska waxaa dhageysta Maxkamada heerka koowaad, ee ah saraakiisha garsoorka ee go’aamiya kiisaskan, midkood habka bilowga ah ama hab kama danbeys ah, iyadoo ku xiran nooca kiiska. Maxkamadani ma laha xeer beegti.
Haddii aadan u baahneyn inaad maxkamad aado laakiinse aad u baahan tahay inaad ku xareyso dukumiinti diiwaanka, ka dib fadlan raac calaamadaha diiwaanka si aad u soo xareysid dukumiintigaan. Diiwaanku wuxuu ku dhow yahay albaabka weyn ee laga soo galo dhismaha maxkamada.
Diiwaanku waa sidoo kale waa meel aad dukumiintiga ku saxiixi kartid (tusaale, dukumiintiga damiin ku sii daynta) oo lagana qaato nuqulada amarada ay maxkamadu gaadho. Waxaa jira xeerar ku saabsan noocyada dukumiintiyada aad ka heli karo xafiiska diiwaanka maxkamada. Haddii aadan fahmin nidaamka xafiiska diiwaanka maxkamadu uu u shaqeeyo, shaqaalaha xafiiska diiwaanka ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay ku caawiyaan.