U imaanshaha Maxkamada Markhaati ahaan
Haddii aad Maxkamada u joogto Markhaati ahaan, waa inaad wargelisaa qofkii ku yiri imow Maxkamada ama xafiiska diiwaanka islamarkaad timaadid maxkamada. Ma geli kartid qolka maxkamada ilaa ay markaaga noqoto si aad u bixiso caddeyn. Waa inaad sugtaa qofkii ku yiri kaalay Maxkamada si uu kuula kulmo, waxayna ku geyn doonaan goobta aad ku sugi kartid.
Laguuma ogola inaad kiiska kala hadashid markhaanti kale oo sidoo kale laga yaabo inuu sugayo.
Markay noqoto markaagii, xeer ilaaliyaha ama qofka loogu yeero sarkaalka adeegyada maxkamada ayaa kuu yeeri doona si aad caddeyn u dhiibto. Waxay ku geyn doonaan sanduuqa markhaatiga, oo ah meesha qolka maxkamada ee markhaatigu fadhiisto. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad Ilaahay ku dhaarato ama caddeyso inaad run sheegi doontid, oo ah ballan qaad dhab ah oo ah waxaad ka sheegto qolka maxkamadu uu noqon doono run.
Waa inaad runta sheegtaa markaad caddeyn dhiibeysid. Waxaa laga yaabaa inay dembi noqoto inaadan runta ka sheegin Maxkamada dhexdeeda.