Ka dib markay ku baaraan Waardiyaha Ammaanku
Helitaanka meesha kiiskaaga lagu dhageysanayo:
Maxkamadaha qaarkood waxay leeyihiin looxa ogeysiiska oo muujiyana arimaha maanta la dhageysanayo mid kasta maanta. Haddii aad adigu halkan u joogto nafsadaada, ka dib raadi magacaaga. Haddii aad u joogtid shirkadaada, raadi magaca shirkadaada. Liisku badanaa wuxuu ahaanayaa mid nidaamka xarfaha sidoo oo kale ah sida raacsan magacaga awoowgaa ama magaca qoyskaaga, ama magaca shirkada. Ee magacaaga ku xigta, waxaad arki doontaa lambarka qolka maxkamada ee aad u baahan tahay inaad aado. Waa muhiim inaad wakhtiga ku timaadid.
Haddii uusan jirin loox ogeysiis ama aadan heli karin magacaaga, ka dib weydii xubin shaqaalaha ka mid ah inuu kuu sheego meesha lagu dhageysanayo kiiskaaga.
Wixii la sameynayo ka hor intaan kiiskaaga la dhageysan:
Islamarkaad heshid meesha lagu dhageysanayo kiiskaaga, waxaad ku sugi kartaa bannaanka maxkamada ama gudaheeda. Waxaa jira kiisas badan oo la dhageysto maalin kasta, oo labadaba ah madani iyo dembiyo. Waxaa laga yaabaa inaad sugtid wakhti ka hor intaan kiiskaaga la dhageysan.
Maxkamadaha qaarkood aad ayey mashquul u yihiin, oo aad ayey muhiim u tahay inaad dhageysatid magacaaga ama magaca shirkadaada isla markaad maxkamada gasho ama qolka maxkamada.
Waxaa laga yaabaa in laga isticmaalo makarafoono maxkamada dhexdeeda. Haddii aad ku sugaysid bannaanka qolka maxkamada, waa inaad iska ilaalisid isticmaalka taleefanada dhegaha si aad u maqashid magacaaga marka loo yeero.
Haddii ay kula tahay inaad u badan tahay turjumaan si uu kaaga caawiyo inaad fahamto waxa kiiskaaga laga yiri, waxaa jira macluumaad intaa ka badan halkan.
Haddii aadan haysan qaryaqaan kugu metelo kiiskaaga oo aad jeclaan lahayd mid, halkan waxaa ah macluumaad intaa ka sii badan.